1209 Views

AMISOM Oo Diyaarisay Hiigsiyo Muhiim U Ah Ka-Bixitaankooda Soomaaliya

AMISOM Oo Diyaarisay Hiigsiyo Muhiim U Ah Ka-Bixitaankooda Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Juun 23, 2019 –Ergayga Khaaska ee Midowga Afrika u jooga Somalia, ahna Madaxa Hawlgalka AMISOM, Ambassador Francisco Madeira ayaa sheegay inay Somalia samaynayso horumar, isla markaana  uu meel wanaagsan Qorshaha Xilliga Kala-guurka ee ay Ciiddanka AMISOM kaga bixi doonaan Somalia sannadka 2021-ka.

Maqaal uu qoray Wargeyska New Vision ee ka soo baxa dalka Uganda waxa uu faahfaahin kaga bixiyey  Qorshaha dhmaaystiran ee Xilliga Kala-guurka Somalia iyo rajada laga qabo inay Ciiddanka DFS la wareegaan mas’uuliyadda  Ammaanka, marka ay AMISOM ka baxaan Somalia.

Waxa uu xusay in Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika ansixiyeen bishi iApril 30-dii ee sannadkii hore qorshaha ay AMISOM kagaa bixi doonaan Somalia, wuxuuna xusay in tan iyo xilligaasi inay wadeen dadaalka Diiwaan-gelinta, si loo xaqiijiyo  in lagu socdo qorshaha Xilliga Kala-guurka.

Ambassador Francisco Madeira waxa uu Maqaalkiisa ku sheegay inay dejiyey Hiigsiyo muhiim ah oo dhamaystiran oo bar-tilmaameed u ah xaqiijinta ka-bixitaankodoa, wuxuuan hoosta ka xariiqay inaysan taasi suurto-gal noqon lahayn haddii aysan Daneeyayaasha Istraatijiyadda ee Arrimaha Somalia iyo DFS oo qeyb ka ah Heshiiska ay Ciiddanka Somalia hawlaha Ammaanka kala wareegayaan Hawlgalka AMISOM.

Waxa uu tilmamaay inay sannad hore goobjoog u ahaayeen Horumarumaradii laga gaaray Ammaanka, iyado oay Ciiddanka Dowladda xaqiijiyeen inay sii kordhayso Awoodooda, isla markaana waxaan aragnay in lagu guuleystay weerarka Ciiddanka Somalia, isla markaana ay la wareegeen dhul, waa sida uu hadalka u dhigay Ambassador Francisco Madeira.

Waxa kale oo uu Maqaalkiisa ku muujiyey in Hawlgaladda AMISOM ee Somalia yihiin kuwo ay si toos ah u hagaan Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika iyo Golaha Ammaanka ee QM, iyadoo tan iyo bishii December ee sannadkii 2017-kii la dhimayey tirada Ciiddanka AMISOM.

Maqaalka uu Ergayga Khaaska ee Midowga Afrika u jooga Somalia, ahna Madaxa Hawlgalka AMISOM, Ambassador Francisco Madeira ku qoray Wargeyska New Vision waxa uu ku muujiyey inay QM go’aamisay in bisha December ee sannadka 2021-ka tahay Taariikhda ay Ciiddanka AMISOM sida buuxda uga wada bixi doonaan gudaha dalka Somalia oo ay Hawlgal u joogeen tan iyo sannadkii 2007-dii.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment