699 Views

James Swan oo gaaray Dhuusamareeb kulana la leh Madaxda Galmudug

James Swan oo gaaray Dhuusamareeb kulana la leh Madaxda Galmudug
____________________________________________________________________________


Muqdisho | QOL | January 24, 2021
—Magaalada dhuusamareeb ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa waxaa gaaray Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Amb, James Swan, waxaana soo dhaweeyay Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid.

Xarunta Madaxtooyada Galmudug ee Magaalada Dhuusamareeb ayaa la geeyay wakiilka Qaramada Midoobay ee Arrimaha Soomaaliya Amb, James Swan, waxaana uu halkaasi kulan kula leeyahay Madaxweynaha Galmudug & kuxigeenkiisa.

Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa uu waday dadaalo uu ku raadinayo in xal loo helo muranka doorashada, waxana uu garoowe & Baydhabo kula kulmay Madaxweynayasha labada Maamul halka Axmed Madoobe & xubnaha Midowga musharixiinta ay yeesheen kulan dhinaca khadka Internet-ka ah.

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Arrimaha Soomaaliya Amb, James Swan ayaa waxaa sidoo kale la filayaa in maalmaha soo socda uu la kulmo qaar kamid ah saamileyda siyaasadeed ee dalka, kaas oo qeyb ka ah xal u helista muranka doorashooyinka.

Xubnaha Beesha Caalamka ee taageerada siiya Soomaaliya ayaa waxaa ay wadaan dadaalo ku aadan sidii dalka ay uga dhici laheyd doorasho hehsiis lagu yahay, isla markaan dhinacyada Soomaaliya ay ka heshiiyaan muranka hareeyay doorashooyinka Soomaaliya.

xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post