1125 Views

Cumar Cabdirashiid oo ku baaqay in la magacaabo guddi baaritaan ku sameeyay kiiska Ikraan Tahliil

Cumar Cabdirashiid oo  ku baaqay in la magacaabo guddi baaritaan ku sameeyay kiiska Ikraan Tahliil
____________________________________________________________________________

.

Jimco: September 3, 2021

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa ku baaqay in la magacaabo guddi baaritaan ku sameeyay kiiska Ikraan Tahliil Faarax.

 “Waxaa lagama maarmaan ah in Ra’isul Wasaaruhu, isagoo tixgalinayaa kiiskan inuu magacaabo guddi ay ku jiraan dhammaan hay’adaha ku shaqada leh, loona xiksaaro inay ka gungaaraan xaqiiqada dhabta ah ee arrintan daahsoon” ayuu yiri Cumar Cabdirashiid.

Hay’adda Nabad-Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA ayaa sheegtay in Al-Shabaab ay dileen Ikraan Tahliil Faarax, oo aheyd gabar ka tirsan hay’adda oo la la’aa tan iyo 26-kii June, .

Hooyada dhashay Ikraan oo lagu magacaabo Qaali Maxamuud Guhaad ayaa dhankeeda waxba kama jiraan ku tilmaantay warkaas iyadoo sheegtay in Gabadheeda Ikraan ay ku maqan tahay gacanta Hay’adda Nabadsugida Soomaaliya.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post