87 Views

Wasiir Fiqi oo guddoomiyay kulan heer Wasiir ah oo ay ka soo qeyb galeen Hey’adaha OCHA iyo FOA

Wasiir Fiqi oo guddoomiyay kulan heer Wasiir ah oo ay ka soo qeyb galeen Hey’adaha OCHA iyo FOA
____________________________________________________________________________

Muqdisho – Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Ahmed Moallim Fiqi ayaa maanta guddoomiyay kulan heer wasiir oo ay goobjoog ka ahaayeen qaar ka tirsan golaha Wasiirrada XFS iyo wafdi ay horkacayeen madaxda Hey’adaha OCHA iyo FOA.

Kulankan ayaa looga hadlay dhinacyada ay hay’adahaasi ka shaqeeyaan oo ay ka mid yihiin; Banii’aadnimada, Isbadalka cimilada iyo arrimo kale.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya mudane Axmed Macallin Fiqi oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in Soomaaliya ay kasoo kabaneyso khataro badan sida khatarta amniga, blase ay weli ku dhib qabto dhibaatooyinka ka dhasha isbadalka cimilada sida abaaraha iyo fatahaadaha oo ay wehliyaan burburka kaabayaasha dhaqaale, nuglaanta qeybo ka mid ah bulshada, dhaqaale yari dadka soo wajahda iyo dhibaatooyin kale.

Wasiir Fiqi oo ku nuuxnuuxsaday baahida loo qabo in maalgeshi lagu sameeyo barnaamijyo wax ka qabanaya isbadalka cimilada ayaa yiri: “Dhibaatada ka dhalatay isbadalka cimillada darteed gaar ahaan abaaraha iyo fatahaadaha maanta waxaa gargaar degdeg ah u baahan 5-6 milyan oo Soomaali ah”.

Kulankan ayaa waxaa ka soo qeybgalay Wasiirka Wasaaradda Beeraha XFS, Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha XFS, Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, dhirta iyo daaqa XFS, Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Baluugga ah, Wasiiru dowlaha Bey’ada iyo Isbedelka cimilada XFS, iyo Wasiiru dowlaha xafiiska Ra’isul wasaaraha.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post