528 Views

Khasaaro ka dhashay qarax ka dhacay duleedka Muqdisho

Khasaaro ka dhashay qarax ka dhacay duleedka Muqdisho
____________________________________________________________________________

Qaraxa oo jugtiisa siweyn loo wada maqlay ayaa ka dhacay degaanka Weeydoow ee duleedka Magaalada Muqdisho kuna yaalla wadada xiriirisa Muqdisho & Afgooye, waxaana ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Qaraxa oo ahaa miinada nooca meelaha fogfog laga hago ayaa lala eegtay sida Goobjoogayaal sheegeen Gaari ay wateen Ciidamo katirsan dowladda oo degaanka weeydoow marayay balse aysan wax khasaaro ah kasoo gaarin qaraxa.

Dadka ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay waraxa ayaa waxaa la sheegay inay ahaayeen Shacab, waxaana Goobta gaaray Ciidamo katirsan dowladda, kuwaas oo muddo saacad ah hakad geliyay isku socodka dadka iyo Gaadiidka walow markii dambe ay dib u fureen.

Degaanka weeydoow ee duleedka Muqdisho ayna ku nool yihiin dad horay uga barakacay dagaaladii ka dhacay Maagalada Muqdisho iyo dad ay abaarta soo barakicisay ayaa waxaa mar walba ka dhaca qaraxyo lala beegsado Ciidamada dowladda, isla markaana dhibaatada ugu badan ay kasoo gaarto dadka Suacabka ah.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post