1158 Views

Wararkii ugu dambeeyay ee degaanka Wisil oo lagu dagaalamay

Wararkii ugu dambeeyay ee degaanka Wisil oo lagu dagaalamay
____________________________________________________________________________

Waxaa saaka xaalad deganaansho ah laga dareemayaa degaanka Wisil ee Koonfurta Gobolka Mudug, halkaas oo shalay ay ku dagaalamaeen Ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug oo dhinac ah iyo Al-Shabaab.
Waxaa jira dad dhimasho iyo dhaawac ku noqday weerarka degaanka Wisil oo ahaa mid ku bilaawday qarax, iyada oo dadkii ku dhaawacmay la keenay Magaalada Muqdisho.

Qof kamid ah dadka ku nool degaanka Wisil oo ku yaal inta u dhaxeysa Magaalooyinka Hobyo iyo Gaalkacyo ayaa sheegay in badi dadkii ku noolaa degaankan Wisil ay u barakaceen degaanka Xero-dhagaxleey oo 25 lkm u jira degaanka Wisil, iyaga oo ka cabsi qaba in markale dushooda lagu dagaalamo.
Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degaanka Wisil ayaa sheegaya in Ciidamada doadda, kuwa Galmudug iyo maleeshiyaad degaanka ah ay wadaan dhaq dhaqaaqyo ciidan si ay uga hortagaan weerraro kale oo kaga yimaada dhinaca Al-Shabaab.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post