720 Views

Itoobiya oo xirtay hoggaamiyeyaal ka tirsan Jabhadda Tigray-ga

Itoobiya oo xirtay hoggaamiyeyaal ka tirsan Jabhadda Tigray-ga
____________________________________________________________________________


Muqdisho | QOL | January 28, 2021
—Ciidamada Itoobiya ayaa sheegay inay soo xireen 18 kamid ah hogaamiyaasha Jabhadda Xoreynta Tigray-ga

Ciidanka dowladda Itoobiya ayaa sheegay inay howl gal ay ka sameeyeen gobalka Tigray-ga ay kusoo xireen 18 hogaamiye oo  ka tirsan  “Jabhadda Xoreynta Dadka Tigreega”.

Warsaxaafadeed uu soo saaray afhayeenka ciidmada Itoobiya General Maxamed Tasim ayaa lagu sheegay in hoggaamiyaalka la soo qabtay ay ku lug lahaayeen dagaalki dhawaan ka dhacay gobalka Tigray-ga.

Hoggaamiyaalkaan lasoo qabtay waxaa ka mid ah korneelo iyo taliyaal kale oo ka tirsanaa booliska.

Jabhadda ayaa kasoo horjeesatay go’aankii dowladda dhexe ee ku saabsanaa in dib loo dhigo doorashada guud ee dalka, waxayna gobalka Tigray-ga ka qabatay doorasho goboleed bishii September ee snadkii tegay.

Dowladda Itoobiya ayaa doorashadaas ku tilmaamtay mid sharci darrao ah, waxaana ka dhashay khilaaf siysaadeed oo isku bedelay dagaal.

4-tii November  ee sanadkii dhammaaday waxaa dalka Itoobiya ka qarxay dagaal u dhaxeeya Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray-ga iyo ciidamada Itoobiya, kaas oo sababay dhimashada dad badan iyo in ay  bara kacaan kumanaan qof.

Ugu danbeyn dowladda Itoobiya ayaa sheegtay inay soo gabagabeysay dagaalkii lagula jiray jabhadda kadib markii laga awood roonaaday, waxaana lasoo qabtay hoggaamiyaal halka kuwa kalena lagu dilay dagaalka.

xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post