927 Views

laamaha Amniga Walanweyn oo Gacanta ku dhigay Rag Burcad ah

laamaha Amniga Walanweyn oo Gacanta ku dhigay Rag Burcad ah
____________________________________________________________________________


Arbaco: March 2, 2022

Kadib howlgal ay sameeyeen Ciidamada Ammaanka Dagmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa u auurto gashay inay Gacanta ku dhigeen rag burcad ah oo ku shaqeysta inay ka socdaan Hay’adaha Gargaarka kadibna lacago uga qaataan Dadka ayaga oo u sheegaya in ey qorayaan mucaawino sidaana ay lacago uga aruursadeen.

Saraakiil katirsan laamaha Amniga Walanweyn ayaa sheegay in howlgalagalkaan uu ka dambeeyay kadib markii cabasho uga timid Shacabja ku dhaqan Tuulooyinka qaar ee hoos yimaada Dagmada Wanlaweyn sidaasina ay gacanta ugu dhigeen Afar Rag Burcad ah..

Dhinaca kale Ciidamada Ammaanka Dagmada Walanweyn ayaa waxa ay soo qabteen Nin dhaawac u geystay qof shacab ah oo safar ahaa kadib markii uu isku dayay in uu dhaco Dad saarnaa Gaari safar ahaa oo uu  xabado  kuriday duleedka degmadaasi Walanweyn.

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Daraawiishta Koonfur Galbeed ayaa todobaadyadaan duleedka degmada walanweyn ka waday howlgallo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab iyo Kooxo Burcad ah oo dhac u geeysanayay dadka Shacabka ah

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post