921 Views

Somaliland oo kasoo horjeesatay tallaabo ay qaadeen dalalka Badda Cas

Somaliland oo kasoo horjeesatay tallaabo ay qaadeen dalalka Badda Cas
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  July 22 2020–Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Bixii Cabdi ayaa sheegay in Soomaaliland ay tahay mid aaminsan nabadgelyo in lagu wada noolaado,isla markaana ay diyaar u yihiin inay kala Shaqeeyaan cid kasta oo dooneysa nabad.

Waxa uu si cad uga soo horjeestay Ciidamo dhawaan loo sameeyay Badda- Cas,kuwaas oo difaacadaya Badda,waxaana uu sheegay in shirka lagu sameeyay Ciidamadaas aysan jirin cid ku mataleysay Soomaaliland,isla markaana aysan aqbaleyn.

Waxaa uu sheegay in Soomaaliland ay si adag u difaacaneyso badeeda laguna soo xadgudbi karin,waxaana uu sheegay in Soomaaliland ay qeyb ka tahay waxkasta oo lagu hormarinayo Caalamka ayna soo dhaweynayaan cid kasta oo wax la qeybsaneyso.

Hadalka Madaxweynaha Soomaaliland ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli dhawaan Soomaaliland ay xiriir gaar ah la yeelatay Taiwan sidoo kalena Wafdi ka socday Dowladda Masar ay soo gaareen Hargeysa lana kulmeen Madaxweynaha Soomaaliland & Xubno kamid ah Golaha Wasiirada.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post