696 Views

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta gareen oo dib ugu laabtay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta gareen oo  dib ugu laabtay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.
____________________________________________________________________________

February 25, /2/ 2021

 Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen ayaa Maanta dib ugu laabtay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Garoonka diyaaradaha Magaalada Baydhabo ayaa waxaa Madaxweynaha Koonfur Galbeed kusoo dhaweeyay Xubno ka tirsan labada Gole iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen ayaa maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa Magaalada Muqdisho, isaga oo u yimid Shirka wadatashiga doorashooyinka, kaas oo aan weli qabsoomin.

Madaxtooyada Koonfur Galbeed weli wax faah faahin ah kama bixin sababaha keenay in uu Madaxweynaha Koonfur Galbeed uu dib ugu laabto Baydhabo, iyada oo weli uu qabsoomin shirka wadatashiga doorashooyinka.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post