402 Views

Mareykanka iyo Ruushka oo isweydaarsaday maxaabiisinkasta oo ay u dhaxeyso xiisad ka dhalatay dagaalka Moscow ay ku qaaday Ukraine.

Mareykanka iyo Ruushka oo isweydaarsaday maxaabiisinkasta oo ay u dhaxeyso xiisad ka dhalatay dagaalka Moscow ay ku qaaday Ukraine.
____________________________________________________________________________

 

Khamiis: April 28, 2022

Ruushka iyo Mareykanka ayaa Arbacadii isweydaarsaday maxaabiis inkasta oo ay u dhaxeyso xiisad ka dhalatay dagaalka Moscow ay ku qaaday Ukraine.

Moscow ayaa Washington ku wareejisay askari horey uga tirsanaa ciidamada Mariiniska Mareykanka, ayada oo ku beddelatay duuliye Mareykanka loogu xiray inuu soo geliyey daroogo.

Trevor Reed, oo ah 30 jir kasoo jeeda gobolka Texas oo lagu xiray Ruushka 2020, ayaa lagu beddeshay Konstantin Yaroshenko oo ah 53 jir Mareykanka ku qaadanayey 20 sano oo xabsi ah oo lagu xukumay 2011.

Afhayeen u hadashay wasaaradda arrimaha dibedda Ruushka Maria Zakharova ayaa sheegtay in maxaabiis isweydaarsiga ay dhacday Arbacadii kadib “hanaan wada-xaajood oo muddo socday.”

Joey Reed oo ah aabaha Trevor ayaa CNN u shegay in maxaabiista la isku weydaarsaday dalka Turkiga.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in is-dhaafsiga uu u baahnaa “go’aano adag oo aanu si fudud u qaadan.”

“Si nabad usoo laabashadiisa waxay caddeyn u tahay ahmiyadda uu maamulkeyga siinayo inuu dalkooda kusoo celiyo muwaadiniinta Mareykanka ee sida khladan loogu xabisay dibedda,” ayuu yiri madaxweyne Biden.

Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Antony Blinken ayaa sidoo kale ammaanay maxaabiis is-dhaafsiga.

“Waxaan ku faraxsanahay inaan ku dhowaaqo in lasii daayey muwaadinka Mareykanka ah ee Trevor Reed oo si khaldan loogu xiray Ruushka,” ayuu ku yiri bayaan uu soo saaray.

Reed ayaa maxkamad ku taalla Ruushka waxay ku xukuntay sagaal sano oo xabsi ah bishii July 2020, kadib markii lagu eedeeyey inuu weeraray askari boolis ah isaga oo cabsan.

Reed wuu beeniyey eedeymaha loo jeediyey, wuxuuna sheegay inuusan waxba ka xasuusan dhacdadaas.

AFP

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post