1842 Views

Ra’iisul Wasaara Khayre Oo Dhagax Dhigay Xarunta Wasaaradda Qorshaynta Oo Dib-U-Dhis Iyo Dayactir Lagu Samaynayo

Ra’iisul Wasaara Khayre Oo Dhagax Dhigay Xarunta Wasaaradda Qorshaynta Oo Dib-U-Dhis Iyo Dayactir Lagu Samaynayo
____________________________________________________________________________

Muqdisho, September 09, 2018 — Ra’iisul wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta dhagax-dhigay xarunta wasaaradda qorshaynta, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha oo lagu samaynayo dib-u-dhis ballaaran.

Sanduuqa horumarinta dawladda Qatar ayaa maal-gelinaya dhismaha iyo dayactirka lagu samaynayo wasaaradda qorshaynta, arintaas oo qayb ka ah heshiis ay horay u wada saxiixeen labada dawladood ee Soomaaliya iyo Qatar.

Ra’iisul wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya ayaa uga mahadceliyay dawladda Qatar maal gelinta mashruucaan, isaga oo sheegay in dhismaha wasaaraddu uu muhiim u yahay barnaamija xukuummadda, shacabka Soomaaliyeedna ugu baaqay in ay ka qayb qaataan dib u dhiska dalka.

“Dhismaha wasaaraddan iyo in aan kusoo celinno sidii ay ahayd sanad gudihiis waa geeddi socodka aan rabno in wasaarad iyo dhisma waliba ee waddankaan laga dudumiyay aan dib ugu soo celinno sidii ay ahaan jirtay”, ayuu yiri ra’iisul wasaare Khayre.

“Dowladdu waxba ma dhisi karto hadii shacabka Soomaaliyeed aysan garab istaagin. shacabka Soomaaliyeed meel kasta ee ay joogaan iyaga laftoodu waa in ay go’aan ka gaaraan dhismaha waddanka”, ayaa ra’iisul wasaaruhu ugu baaqay shacaka Soomaaliyeed.

Dawladda federaalka Soomaaliya ayaa dib u dhis ku samaysay xarumo ku burburay dhitaatooyinkii dalka soo maray, si loogu guulaysto hannaanka soo celinta iyo dib u noolaynta dhismayaasha dawladda iyo goobaha taariikhiga ah ee dalka.

dhagax-dhigid-wasaarada-qorsheynta-3 dhagax-dhigid-wasaarada-qorsheynta-2 dhagax-dhigid-wasaarada-qorsheynta-1

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment