807 Views

Labo duuliye oo laga soo badbaadiyeen meel u dhow magaalada Honolulu ee dalka Mareykanka

Labo duuliye oo  laga  soo badbaadiyeen meel u dhow magaalada Honolulu ee dalka Mareykanka
____________________________________________________________________________

Sabti: Julay 3, 2021

Labo duuliye ayaa ku sugnaa xaalad degganaan ah kaddib markii ilaalada xeebta ay ka soo badbaadiyeen meel u dhow magaalada Honolulu ee dalka Mareykanka.

Diyaarad xamuul oo nooca Boeing 737 ah oo ay labo qof saarnaayeen ayaa ku dhacday xeebta Hawaii ee dalka Mareykanka kaddib markii ay la soo deristay cillad dhanka matoorka ah.

Diyaaradda ayaa ka timid Honolulu waxayna ku sii jeedday Jasiiradda Maui, balse waxay ku dhacday badda wax yar kaddib markii ay ka soo duushay Garoonka Caalamiga ah ee Daniel K Inouye.

Ilaalada xeebta ayaa aroortii hore ee shalay badda ka soo badbaadiyay labadii duuliye ee saarnaa.

Mid ka mid ah ayaa ku dhegganaa baallaha diyaaradda, si nabad ah ayaana looga soo saaray.

Duuliyihii labaad ayaa la sheegay inuu miyir daboolay haatanna la daweynayo.

Duuliyeyaasha ayaa ka war qabay in diyaaraddu ay cillad heysato.

“Hal matoor ayaan weynay,” ayuu mid ka mid ah shaqaalaha diyaaradda u sheegay waaxda maamusha gaadiidka hawada.

“Kii kale ayaa gacanteenna ka bixi raba, sidoo kale. Aad ayuu u kululaanayaa.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post