1104 Views

FAO & Dowladda Soomaaliya oo bilaabay xog ururin ku saabsan wax soo saarka beeraha

____________________________________________________________________________

Moqdisho,September 1, 2021 —Hey’adda FAO iyo Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa bilaabay wada-hadaladii ugu horreeyay ee loogu diyaargaroobo Shir-weynaha Qaramada Midoobay ee bishaan looga hadlaayo nidaamyada cuntada dunida.

Wadahadaladaan hordhaca ah ee ka bilaabmay gudaha dalka oo khuseeya heer gobol , heer Qaran iyo Hey’adda FAO,waxaa loo qorsheeyey in lagu qabto lix gobol,si gabagabada loo helo waddo loo maro wax ka qabashada caqabadaha nidaamka cuntada ee Soomaaliya.

Wada-hadallada la xiriira Nidaamka Cunnada Soomaaliya, oo ka billowday jubada-hoose,waxaa ujeedku yahay in ka qeybgalayaashu ay fikrado ku biiriyaan shirweynaha Qaramada Midoobay ee looga hali doono caafimaad qabka cuntada. .

Shir -madaxeedka Qaramada Midoobay ee bishaan ka dhacaya magaalada New York ayaa la filayaa in looga hadlo Helidda nidaam cunto caafimaad leh, waara iyo hagaajinta nidaamyada cuntada ,si sanadka 2030  loo gaaro Yoolalka Horumarka la hiigsanaayo .

Xafiiska Qaranimo Online | Muqdish

____________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post