1605 Views

Xildhibaan Jeesoow Oo Kabadbaaday Iskuday Dil

Xildhibaan Jeesoow Oo Kabadbaaday Iskuday Dil
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |  Nofeembar 20, 2018 –Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka mid ah Golaha shacabka Soomaaliya ayaa ka badbaaday qarax lagu xiray Gaarigiisa oo ka dhacay waddada Maka Al-Mukarrama ee Magaalada Muqdisho.

Labo qof oo kala ah Darawalka Xildhibaanka iyo mid ka mid ah Ilaaladiisa ayaa ku dhaawacmay Qarax.

Xilliga uu qaraxa dhacayay Xildhibaanka waxaa uu ku jiray Carwo uu ka adeeganayay oo ku taalla Waddada Maka Al-Mukarrama.

Qaraxa kaddib waxaa goobta gaaray Gaadiidka Gurmadka deg degga ah iyo Ciidamo Boolis ah,waxaana ay Booliska halkaas ka wadeen Xildhibaanka.

Labada Qof ee dhaawaca uu soo gaaray ayaa la sheegayaa in midkood uu dhaawac culus ka gaaray labada lugood.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment