3378 Views

Gaas oo qaadashada 4.5 ku xiray in Baarlamaanka laga wareejiyo Muqdisho

Gaas oo qaadashada 4.5 ku xiray in Baarlamaanka laga wareejiyo Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho,30 March 2016: Shirarka iyo kulamada u dhaxeeya Ra’iisul Wasaaraha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Madaxweynaha Puntland ayaa wali la isku mari la’yahay, iyadoo Puntland shuruud cusub ku xirtay aqbalida nidaamka 4.5.

 

Ra’iisul Wasaare Cumar ayaa maalmihii u dambeeyay ka dhaadhicinayay Puntland inay aqbalaan nidaamka 4.5 ee lagu soo xulayo Baarlamaanka soo socda, waxaana wali labada dhinac isku mari la’yahay qodobo kala duwan.

Warar ku dhow dhow Madaxtooyada Garowe ayaa sheegaya in Puntland ay shuruud ku xirtay qaadashada 4.5, waxaana ay dalbatay in fadhiyada Baarlamaanka laga wareejiyo Muqdisho, isla markaana loo raro xarumaha maamul goboleedyada, sida Kismaayo ama Garowe.

Inkastoo shuruudan aheyd mid layaab ah ayaa hadana waxay sii dheereyneysaa diidmada wali Puntland ka muujineyso nidaamka 4.5.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in laga yaabo in maanta war laga soo saaro kulamada wali la isku mari la’yahay ee Garowe afartii cisho u dambeeyay ku lahaayeen wafdigii uu hogaaminayay Ra’iisul Wasaaraha iyo Maamulka Puntland.

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa la filayaa inuu kulamo la qaato qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Garowe, iyadoo shalay uu dib u dhacay kulan dhex mari lahaa Ra’iisul Wasaaraha iyo aqoonyahanada Puntland.

Muddo lix bilood ayaa ka dhiman doorashada, iyadoo aan wax saan saan ah ama dhaq dhaqaaq olole doorasho ka jirin magaalada Muqdisho, marka laga reebo dhaq dhaqaaqyada xilligan ka jira Garowe, Beledweyn iyo Jowhar.

Dad badan ayaa ku micnaayay, fikrada Mudane Gaas oo ah in Barlamaanka loo raro Garowe, arrin ka fool kun mida uu diidanyahay oo ah ayadana 4.5

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment