594 Views

Faransiiska oo ka carooday waddanka UK oo qashin kusoo daadiyay

Faransiiska oo ka carooday waddanka UK  oo qashin kusoo daadiyay
____________________________________________________________________________

Khamiis: AUGUST 25, 2022

Ingiriiska ayaa waxaa  soo foodsaaray khataro dhinaca caafimaadka iyo nolosha nooleyaasha badda ku jira ah, taas oo ka timid xeebta Faransiiska markii la oggolaaday in qashin sidiisa ah  lagu aaso badda woqooyi iyo kanaalka u dhexeeya labada dal, sida ay sheegeen saddex xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Yurub.

Digniino laga bixinayo wasaqowga ayaa laga soo saaray inta badan 50 xeeb oo ku yaalla Ingiriiska iyo Wales, kaddib markii  roobab xooggan ay keeneen qashin xad dhaaf ah oo loo weeciyay webiyada iyo badda.

Xildhibaano Faransiis ah ayaa ku eedeeyay Ingiriiska in uu dayacay ama ka baxay ballamadii dhinaca deegaanka, uuna qatar galinayo nooleyaasha badda ku jira iyo kalluumeysiga.

Shirkadaha biyaha ee Ingiriiska ayaa sheegay in ay maalgalinayaan sidii loo xallin lahaa mashaqadan.

Xildhibaannada Midowga Yurub waxay sheegeen tan iyo markii uu Ingiriisku ka baxay Midowga Yurub inuu dayacay ama uu iska dhego tiray ballamadii dhinaca degaanka. Warqad ay xildhibaannadu qoreen waxay ku taliyeen tallaabo sharci ama siyaasad inuu qaado Midowga Yurub.

Afhayeeen u hadlay dowladda Ingiriiska ayaa sheegay in eedeymahaas ay yihiin kuwo aanay waxba ka jirin.

Inkastoo Ingiriiska aysan qabaneyn sharciyada Midowga Yurub oo uu isaga baxay, haddana weli wuxuu wax ka saxiixay heshiisyo iyo xeerarka Qaramada Midoobay ee ku saabasn ilaalinta biyaha la wadaago, sida ay ku doodeen xildhibaannada.

Mid ka mid ah saddexda xildhibaan waa Pierre Karleskind oo madax ka ah guddiga arrimaha kalluumeysiga u qaabilsan Baarlamaanka Midowga Yurub.

Wuxuu ku dooday in Ingiriiska aan loo oggolaan karin in uu ka baxo ballamadii lagula galay heshiiskii Brexit iyo in uu carqaladeeyo dadaalka uu Midowga Yurub muddo 20 sano ah ku horumarinayay heerka tayada biyaha.

Xildhibaannada ayaa ka digaya in waqtiga dhow uu qashinku qatar galin doono biyaha xeebaha Faransiiska, uuna dhaawici karo nooleyaasha kala duwan, kalluumeysiga iyo beeraha.

“Kanaalka iyo badda Waqooyi ma aha meel qashinka lagu qubo,” ayuu yiri Stéphanie Yon-Courtin, oo ah siyaasi ka soo jeeda xeebta Normandy, sidoo kalena xubin ka ah guddiga Baarlamaanka Midowga Yurub u qaabilsan kalluumeysiga.

nta badan Ingiriisku waxay leeyihiin qaab isku xiran oo la xiriira bullaacadaha iyo qashinka, sidaas darteed biyaha wasaqda ah ee ka yimaada musqulaha waxaa qaada bullaacado mara tubbooyin la mid ah kuwa ay maraan biyaha roobka.

Si looga hortago in guryaha iyo goobaha ka dhaxeeya dadweynaha uu daadku qaado xilliyada ay da’aan roobabka mahiigaanka ah, waxaa la sameeyay hab wasaqda loogu raacin karo bullaacadaha oo ku daraya badaha ama webiyada.

Cimilada haatan ee kulul ayaa kor u qaadday qatarta daadadka iyadoo dhulka qalalan aanu awood u leheyn in uu dhaqse u dhuuqo biyaha.

Hay’adda Water UK oo matasha hay’adaha biyaha ee Ingiriiska ayaa sheegtay in shirkadaha biyaha ay isku raaceen waxa ay ku tilmaantay in ay jirto baahi degdeg ah oo ah in tallaabo la qaado. Waxay in ka badan 3 bilyan oo geni ku maalgalinayaan si loo hagaajiyo qulqulkaas, taas oo ah qeyb ka mid barnaamij ballaaran oo dhinaca deegaanka ah oo loogu talagalay inta u dhaxeysa 2020 ilaa 2025.

Afhayeen u hadlay waaxda deegaanka, cuntada iyo arrimaha reer miyiga ee baarlamaanka Ingiriiska ayaa sheegay in ay been tahay in Ingiriiska aanu ilaalineyn bartilmaameedkii ahaa tayada biyaha.

“Xeerka deegaanka ayaa ka dhigay sharciggeena mid xitaa ka xoog badan kan Midowga Yurub marka loo eego tayada biyaha, marka laga fiiriyo bartilmaameedyada la doonayo si looga hortago wasaqowga iyadoo la sameynayo awoodo cusub oo looga hortago arrimaha dhibaatada leh ee ka jira biyaheenna ‘’

Si kasta oo ay tahayba kooxaha xisbiga Liberal Democrats ayaa ku eedeeyay shirkadaha biyaha in ay ku guul-darreysteen in ay si wanaagsan ula socdaan bullaacadaha, iyagoo sheegay in qalab badan oo wax lagula socon karay aanay shaqeyneyn ama lagu rakibin goobihii loo baahnaa.

Dowladda ayaa si dhaqso ah u qaadi karta qorshihii ugu ballaarnaa Ingiriiska ee lagu yareynayo qashinka soo buux dhaaf ah xilliyada duufaannadu ay dhacaan, sida uu shaagay afhayeenka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post