906 Views

Banaanbax Looga Soo Horjeedo Dilkii Saciid Adoon Oo Ka Socda Kismaayo

Banaanbax Looga Soo Horjeedo Dilkii Saciid Adoon Oo Ka Socda Kismaayo
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October-20–2019 —Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa ka socda Banaanbax looga soo horjeedo dilkii xalay halkaas loogu geystay Nabadoon Siciid Ciise Cabdi oo loo yaqaanay (Saciid Adoon).

Dadka Banaanbaxa dhigaayay ayaa waxaa la sheegay inay isugu soo baxeen bartamaha Magaalada, iyagoona ahaa kuwo ka Careysan dilka Nabadoon Saciid Adoon.

Banaanbaxayaasha ayaa dalbanaya in la cadeeyo, cadaaladana la horkeeno dadkii ka dambeeyay dilkaas, isla markaana waxaa ay sheegeen dadkaas in dilka Saciid Adoon oo kamid ahaa Ganacsatada deegaanada Jubbaland aysan ka dambeynin Al-shabaab,hayeeshee arimo siyaasadeed loo dilay.

 

Rag ku hubeysanaa Bastoolado ayaa xalay xaafadda Calanley ee Magaalada Kismaayo ku dilay Nabadoon Siciid xili uu kasoo baxay Salaaddii cishaha, isla markaana uu kusii jeeda Hoy uu halkaas ka deganaa, hayeeshee rag hubeysan ay rasaas la dhaceen.

 

Laamaha amniga Jubbaland ayaa sheegay in Kismaayo ay ka wadaan baaritaano kala duwan oo ku raadinayan ragii ka dambeeyay toogashada Nabadoon Siciid Ciise Cabdi oo loo yaqaanay (Saciid Adoon) kana mid ahaa Ganacsatada deegaanka Jubbaland.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment