1149 Views

Ciidanka DANAB oo degaano kala wareegay Al-Shabaab

Ciidanka DANAB oo degaano kala wareegay Al-Shabaab
____________________________________________________________________________

Muqdisho |Axad:  September 12, 2021–Ciidanka Kumaandooska xooga dalka Soomaaliyeed ee DANAB ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ka fuliyeen degaano ka tirsan Gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Saraakiisha howlgalka hoggaamineysay ayaa waxaa ay sheegeen inay la wareegeen degaannada kala ah, Ceeldheer Macalin, Jameeclo Jiliyaale, Gamboole, Masiireey iyo Boqol Gaani oo ka wada tirsan Goboka Shabeellaha Dhexe.

Sidoo kale saraakiisha Ciidanka DANAB waxaa ay sheegeen in howlgalka ay ku buriyeen Maxkamad ay lahaayeen Al-Shabaab, Goobo ay dadka lacagaha uga qaadi jireen, Isbitaal ay Xubnaha ka tirsan ku daaweyn jireen iyo Goobo kale.

Sidoo kale Ciidanka DANAB oo howlgalkooda sii wata ayaa gaaray degaanka Fiidow oo ku yaal xadka kala qeybiya Gobolada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan oo awood badan ay ku lahaayeen Al-Shabaab balse ay Ciidamada dowladda deg deg kula wareegeen.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada DANAB ay weli howlgallada ka wadaan degaannada katirsan Gobolada shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan, halkaas oo mararka qaar ay weeraro kasoo qaadi jireen Al-Shabaab.

Xafiiska Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post