642 Views

Qaramada midoobay oo sheegtay in Dad Rayid ah lagu laayey Dalka Ukraine

Qaramada midoobay oo sheegtay in Dad Rayid ah lagu laayey Dalka Ukraine
____________________________________________________________________________

 Talaado: March 1, 2022

Ugu yaraan 102 qof oo rayid ah ayaa ku dhintay 500,000 oo kalena way ka qaxeen dalka Ukraine, tan iyo intii Ruushku uu bilaabay dagaal ka dhan ah Dalka Ukraine khamiistii lasoo dhaafay, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan Qaramada Midoobay.

Michelle Bachelet, oo ah madaxa sare ee Qaramada Midoobay u qaabilsan xuquuqul insaanka, ayaa ka sheegtay furitaankii fadhiga Golaha Xuquuqul Insaanka in dagaalku uu halis gelinayo “nafo aan la tirin karin” gudaha Ukraine.

Waxay sheegtay in xafiiskeedu uu diiwaan geliyay 406 dhaawac oo rayid ah iyo 102 la dilay, kuwaas oo toddoba ka mid ah ay yihiin carruur, dhinaca kale Qoraal uu bartiisa Twitter-ka soo dhigay madaxa hey’adda qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay ee UNHCR, Filippo Grandi, ayaa sheegay in tirada qaxootiga ay kor u dhaaftay 500,000 oo qof.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post