1062 Views

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan oo sheegay inuu la shaqeyn doono Daalibaan

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan oo sheegay inuu la shaqeyn doono Daalibaan
____________________________________________________________________________

Talaado: September 28, 2021

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa sheegay inuu la shaqeyn doono Daalibaan haddii ay helaan aqoonsi caalami ah.

Waraysi uu madaxweyne Recep Tayyib Erdogan siiyay Telefishinka CBS News, ayuu ku sheegin in Turkigu uusan la shaqeyn doonin Daalibaan ilaa beesha caalamka ay aqoonsato.

“Haddii beesha caalamku ay aqbasho, markaa waan la shaqayn karnaa haddii kale ma awoodno,” ayuu yiri.

Horay ayaa waxa u jiray warar sheegayay in Turkigu uu qorsheynayo inuu gacan ka geysto ka shaqeynta garoonka diyaaradaha ee Kabul.

Golaha wasiirrada cusub ee hayaha xilka wasaaradda arrimaha dibadda ee Taliban ayaa Isniintii sheegay in la xaliyay dhammaan ciladihii farsamo ee ka taagnaa garoonka diyaaradaha ee Kabul.

BBC

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post