297 Views

Taliska Booliska G/Banaadir oo ku dhawaaqay inay xiri doonaan siyaasigii hub waaweyn ku dhex qaata Muqdisho

Taliska Booliska G/Banaadir oo ku dhawaaqay inay xiri doonaan siyaasigii hub waaweyn ku dhex qaata Muqdisho
____________________________________________________________________________

Taliska Boosliska Gobolka Banaadir ayaa sheegay inay dhaqan-gelinayaan amarkii dhowaan kasoo baxay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ee lagu mamnuucayay in magaalada Muqdisho lagu dhex qaato hubka waaweyn.

Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir Mahdi Cumar Muumin ayaa sheegay in weli siyaasiyiinta iyo mas’uuliyinta dowladda aysan u hoggaansamin ammarkii Madaxweynaha ee ahaa in aan hub lagu dhex qaadan Magalada Muqdisho.

Wuxuu hadalkiisa uu intaasi kudaray in weli si caadi ah Magaalada Muqdisho loogu dhex wato Qorriyihii waaweynaa ee Gawaarida ku xirnaa iyo kuwo kale, balse, iyaga ay fulin doonaan ammarkii Madaxweynaha.

Ugu dambeyn Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir in cid kasta oo hub waaweyn ku dhex qaadatada Magaalada Muqdisho saraakiisha iyo siyaasiyiinta wata ay tallaabi ka qaadi doonaan soona xiri doonaan lana maxkamadeyn doono.

Hadalkan kasoo yeeray taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir Macalin Mahdi ayaa kusoo aadaya xilli weli uusan dhaqan gelin ammarkii dhowaan kasoo baxay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ee lagu mamnuucayay in magaalada Muqdisho lagu dhex qaato hubka waaweyn.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post