876 Views

Kulan laga yeeshay Amniga Guud ee Gobolka Bari

Kulan laga yeeshay Amniga Guud ee Gobolka Bari
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | August-23-2020-Guddiga Amniga Gobalka Bari ayaa Maanta oo Axad ah Kulan la Qaatay Saraakiisha Iyo Gudoomiyaasha Degmooyinka Gobalka Bari, aas oo looga dadlayay Dardargalinta Amniga Guud Ee Gobalka Bari.

Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa Sheegay In Saraakiisha Ammaanka Gobalka Bari lagu Abaaal marin doono qofkii kasoo baxa Shaqada ay Bulshada u Hayaan, isaga oo ugu baaqay In Cadaalad loo sameeyo Bulshada Sarakiishana ay ka fogaadaan Musuqmaasuq.

Sidoo kale Taliyaha waxaa uu sheegay in ay muhiim tahay in siwadajir ah looga hortago dadka falalka amni darro ka wada gaar ahaan Ururka Al-Shabaab iyo Kooxda Daacish oo weeraro kala duwan ka geystay Gobolka Bari.

Degmooyin ka tirsan gobolka Bari gaar ahaan dhulka Buuraleyda ah ee galgala ayaa waxaa mararka qaar weeraro ka dhan ah Ciidamada Puntland ka geysta Al-Shabaab & Daacish.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  ______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post