924 Views

Madaxweynaha Galmudug oo kulan khadka Zoom-ka ah la qaatay diplomaasiyiinta dowladda Norway u jooga Somaliya

Madaxweynaha Galmudug  oo  kulan khadka Zoom-ka ah la qaatay  diplomaasiyiinta dowladda Norway u jooga Somaliya
____________________________________________________________________________

Jimco: June 25 2021

Madaxweynaha Galmudug  Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa kulan khadka Mareegta ah la qaatay diplomaasiyiinta dowladda Norway sida Ergeyga Gaarka ee arrimaha Soomaaliya, Danjiraha iyo Qunsulka iyo waliba masuuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Norway.

Madaxweynaha iyo masuuliyiinta ka socday dowladda Norway ayaa ka wada hadlay xaalada guud ee dalka iyo dardargelinta arrimaha doorashooyinka oo heshiis laga gaaray khilaafkii ka taagnaa.

Sidoo kale, waxay si gaar ah uga wada hadleen  howlaha kala duwan ee Norway ka taageerto dowlad goboleedka Galmudug.

Madaxweynaha Galmudug ayaa kulamo kala duwan waxa uu la qaadanayaa xubno ka tirsan beesha caalamka tan iyo markii heshiis rasmi ah laga gaaray arrimaha doorashooyinka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post