789 Views

Saynisyahanno ka soo jeeda Mareykanka oo sheegay Shiinaha inuu ballaarinayo awooddiisa samynta iyo keydsiga hubka Niyukilarka.

Saynisyahanno ka soo jeeda  Mareykanka oo  sheegay Shiinaha inuu ballaarinayo awooddiisa samynta iyo keydsiga hubka Niyukilarka.
____________________________________________________________________________

Khamiis: july 29 2021

Saynisyahanno ka soo jeeda dalka Mareykanka ayaa sheegay Shiinaha inuu ballaarinayo awooddiisa samynta iyo keydsiga hubka Niyukilarka.

Warbixin ay soo saareen Federeeshinka Saynisyahannada Mareykana ee loo soo gaabiyo FAS waxaa lagu sheegay sawir dhanka satelite lagu qaaday inuu muujinayo Shiinaha oo gobolka Xinjiang ka dhisanayo xaruunta Niyukilarka ee Silo.

Saraakiisha gaashaandhigga Mareykanka waxay walaac ka muujiyeen awoodda Niyukilarka Shiinaha ee sii kobceyso.

Xaruuntan cusub ee Niyukilarka ee Silo waxay noqoneysaa xaruunti labaad uu labada bilood ee ugu dambeeyey dhismaheeda uu ka billaabo Galbeedka Shiinaha.

Xaruunta oo ka koobnaaneyso 110 dhismo oo dhulka hoostiisa ah oo loo adeegsanayo keydinta iyo in gantaalaha laga diro.

Wargeyska afka dheer ee Washington Post wuxuu bishii hore uu qoray xaruun ka kooban 120 dhsimo inuu Shiinaha uu ka dhisanayo aagga Yumen oo ka tirsan gobolka Gansu.

FAS waxay Isniinti sheegeen xaruunta cusub uu Shiinaha dhisanaya ee Hami, oo qayaasti 380 km waqooyiga galbeed kaga beegan Yumen, dhismaheeda uu marayo heer weli billow ah.

2020-kii Pentagon waxay sheegtay Shiinaha inuu iisu diyaarinayo inuu laba jibbaaro tirada hubka Niyukilarka uu haatan haysto.

Arrintan ayaa ku soo beegmeysa xilli ay Mareykanka iyo Ruushka iisu diyaariyeen wadahadal ku saabsan xakameynta hubka.

Wadahadal dhawaan dhexmaray ku xigeenka xoghayaha arimaha dibada Mareykanka Wendy Sherman iyo wasiirka arimaha dibada ee Ruushka Sergei Ryabkov, ayaa loo arkaa inay tahay tallaabadii ugu horeysay ee loo qaaday dib u soo nooleynta wada xaajoodka hakadka galay ee ku saabsan yaraynta hubka Niyuklierka.

Balse Shiinaha ayaan ilaa iyo hadda ka qayb qaadanin wadahadallada salka ku haya xakameynta hubka.

Taliska Istiraatiijiyadda Mareykanka oo hoos taga waaxda difaaca ayaa walaac xooggan ka muujiyey warbixinta Tweeterka la soo dhigay.

“Muddo laba bilood gudahood ah waa marki labaad oo ay dadweynuhu ogaadaan waxa aan sheegeyno oo ku saabsan khataraha dunida ku soo fool leh iyo siraha arrintan ku gadaaman” ayuu yiri.

Sawirka xaruunta Silo waxaa laga soo qaatay dayax gacmeed ganacsi sawirro ay qaadday, balse sawir kan ka wanaagsan oo heerkoodu sarreyo waxaa qaadday shirkadda Palnet ee ka shaqeysa sawirrada dayaxgacmeedka lagu qaado.

Gantaalaha hubka Niyukilarka uu Shiinaha heystay sanadki 2020-kii ay yihiin 200 oo madax, isla markaana Beijing ay hadda dooneyso iney tiradaasi laba jibbaarto, ayey tiri Pentagon.

Halka khubarada arrimaha hubka falanqeeyana ay sheegeen 3,800 madax oo hubka Niyukilarka ah inuu Mareykanka haysto.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post