972 Views

Agaasimaha Koofi oo booqday bar-xuudeedka Qeydar ee Galguduud,sawiro

____________________________________________________________________________

Agaasimaha Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Col, Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) oo booqday Bar-xuudeedka Qeydar ee Gobolka Galguduud, Daawo 

Agaasimaha Guud ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Col, Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) oo maalmihii la soo dhaafay, shaqooyin kala duwan ka waday Galmudug ayaa kulamo la yeeshay shaqaalaha hay’ada  laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha si uu u dhiiri galiyo Howlaha culus oo ay u hayaan Qaranka iyo bulshada Soomaaliyeed. 

Agaasime Koofi ayaa waxa uu sidoo kale booqday Bar-xuudeedka Qeydar ee Gobolka Galguduud, isaga oo kulamo kula yeeshay dadka deegaanka, waxaana booqashadaas ku Wehliyay Gudoomiyaha Degmada Guriceel  iyo Saraakiil kale. 

Taliyaha laanta Socdaalka ayaa booqashadiisa waxay ahayd u kuur galida xaalada Xuduuda iyo in ay si habsami leh u socoto Howlaha loo Igmaday Madaxda iyo shaqaalaha Wakiilka uga ah laanta Socdaalka halkaas, waxa uuna kormeeray Dhismaha Bar-xuudeedka Qeydar oo haatan maraya heer Gabogabo ah .  loona  dhisayo hab casri ah isla markaana lagu qalabeyn doono dhamaan adeegyada Socdaalka. 

Sidoo kale Booqashooyin kala Duwan ee uu Agaasimaha Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Col, Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi)  ku marayo halkaas, ayaa waxaa ka mid ahaa Mas’uuliyiintii ku Wehliyay Taliyaha Ciidanka Booliiska Galmudug Gen, Bishaar Abshir Geeddi, K/xigeenka Agaasimaha Guud ee HSJ Md, Xasan Cabdulqaadir Maxamed,Gudoomiyaha Degmada Guriceel Mudane Faarax Cabdi Macalim iyo saraakiil kale oo ka tirsan Maamul Goboleedka Galmudug. 

dhinaca kale Agaasimaha Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Col, Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) ayaa waxa uu ku amaanay shaqaalaha Hay’adaasi sida wanaagsan oo ay uga soo dhalaaleen shaqadooda, waxa uuna amaan u soo jeediyay maamulka Goobihii uu booqday. 

Sawirada ayaa waxaa kaaga Muuqanayo in Agaasimaha Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Col, Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi)   uu dhex galayo bulshada Nugul si uu ula socdo ama u xog wareesto  xaaladooda, taasi oo ah dhaqaanka Hogaanka wanaagsan. 

Wariye:  Abdihakim Elmi Hassan  

Email-Cabdixakiin441@hotmail.com 

Nairobi Kenya 

Tel/+2548711830393 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post