1137 Views

Muuse Biixi oo madaxtooyada Hargeysa ku qaabilay wasiiru-dawlaha arrimaha dibedda Itoobiya

Muuse Biixi oo  madaxtooyada  Hargeysa ku qaabilay wasiiru-dawlaha arrimaha dibedda Itoobiya
____________________________________________________________________________



Jimco: September 3, 2021

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa waxaa uu maanta qasriga madaxtooyada ee Magaalada Hargeysa ku qaabilay wasiiru-dawlaha arrimaha siyaasadda ee wasaaradda arrimaha dibedda Itoobiya, Mr. Redwan Hussein oo uu wehelinaayo safiirka Itoobiya u fadhiya Somaliland, Amb Siciid Maxamed Jibriil iyo masuuliyiin la socday.

Waxaana kulankaasi lagaga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka wada-shaqayneed ee ka dhexeeya Somaliland, dawladda federaalka ah ee Itoobiya, arrimaha la xiriira isu-socodka labada dhinac ee ganacsiga iyo iskaashiga horumarineed ee waddada berbera corridor ay ugu horayso iyo isticmaalka dekeda Berbera oo uu xusay wasiiru-dawluhu in dalka itoobiya uu baahi weyn u qabo dekedo kala duwan, muhiimad gaarana ay siinayaan dekeda Berbera.

Sidoo kale waxa kulankaasi lagu lafo-guray sidii loo dhamaystiri lahaa heshiisyadii ay hore u galeen lana joogo wakhtigii la dhamaystiri lahaa hirgelinta wixii hore la isugu afgartay ee dani ugu jirto labada shacbi

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post