1344 Views

Madaxda Maamul Goboleedyada oo cambaareeyay weerarka iyo qaraxyadii ka dhacay Muqdisho

Madaxda Maamul Goboleedyada oo cambaareeyay weerarka iyo qaraxyadii ka dhacay Muqdisho
____________________________________________________________________________

Qaar ka mid ah Madaxda maamul goboleedyada dalka ayaa ka hadlay weerarka iyo qaraxyadii xalay ka dhacay magaalada Muqdisho iyadoo aysan weli ka hadlin Madaxda dowlada federalka.

Madaxdweynayaasha,Puntland,Koofurgalbeed iyo Jubbaland oo si kala gaar gaar ah uga hadlay weerarka qaraxa ku bilowday ee Alshabaab ku qaadeen magaalada Muqdisho ayaa waxa ay ku cambaareeyeen weerarka iyagoo ku tilmaamay inuu yahay mid lagu xasuuqay dad rayid ah oo aan waxba galabsan.

Dhammaan madaxda maamul goboleedyada ee ka hadlay weerarkan ayaa waxa ay tacsi u direen dadkii ku dhintey iyagoo u rajeeyay in naxariistii jano uu ka waraabiyo kuwa dhaawacmayna uu caafimaad taam ah siiyo.

Si kasta ha ahaatee, waxaan weli si toos ah ugaga hadlin dowlada federalka iyadoo weli ay ciidamada dowlada la dagaalamayaan qaar ka mid ah dagaalamayaashii gudaha u galay dhismooyin ku yaal wadada Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment