636 Views

Kenya oo shuruud ku xirtay in Ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya

Kenya oo shuruud ku xirtay in Ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya
____________________________________________________________________________


Muqdisho | QOL | January 28, 2021
—Wasiirka Difaaca dalka Kenya Monica Juma ayaa sheegtay in Ciidamada Kenya ee qyebta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM aysan ka bixi doonin Soomaaliya ilaa laga wada heshiiyo.

Monica Juma oo warbaahinta ku la hadashay Xerada Tababarka UK ee dalka Kneya waxaa ay sheegtay in Go’aanka Ciidamada Kenya looga saarayo Soomaaliya kaligood qadan Karin, hayeeshee ay waajib tahay in Qaramada Midoobay ay qaraar ku ansixiso.

“ In Ciidamada Kenya ka baxaan Soomaaliya xilligaan ma go’aamin karno waa in uu ka yimaadaa Midowga Afrika, mana ahan mid quseeya xiriirka xumaaday ee labada dale e Soomaaliya iyo Kenya ayay tiri” Monica Juma.

Xoghayaha Gaashaandhiga Mareykanka, Ben Wallace oo socdaalka ku waehlinayay Wasiirka Difaaca dalka Kenya Monica Juma ayaa dhankiisa taageero u muujiyay  holwgalka la dagaalanka Al-Shabaab oo ay Ciidamada Kenya ka wadaan soomaaliya.

Hadalka Wasiirka Difaaca dalka Kenya Monica ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli uu xoogeystay khilaafka diblumaasiyadeed ee u dhaxeeya dalalka Soomaaliya iyo Kenya kaas oo gaaray in dowladda Soomaaliya ay xiriirka u jarto dowladda Kenya.

Dowladda Kenya ayaa waxaa Soomaaliya kajooga Ciidamo lagu qiyaasay in ka badan saddex kun oo Askari, kuwaas oo ku sugan meelo kamid ah Gobolada Jubbooyinka, waxaana mararka qaar ay weeraro kala kulmaan Al-Shabaab.

xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post