417 Views

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo safar ugu ambabaxay dalka Switzerland

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo safar ugu ambabaxay dalka Switzerland
____________________________________________________________________________

Axad: April 24, 2022

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta safar hal maalin qaadan doona ugu amba baxay Magaalada Geneva ee dalka Switzerland,

Ra’iisul Wasaaraha wuxuu halkaas ugu qeyb galiyaa caalami ah oo ku saabsan abaaraha ba’an ee ka jira Geeska Afrika, si gaar ahna diiradda loogu saarayo xaaladda abaarta ee ka jirta Somalia.

Sidoo kale, shirkaan waxaa kaso qeyb gali doonaan madax sarsare iyo wasiirro ka kala socda dalalka deeq bixiyaasha ah ayuu Ra’iisul Wasaaruhu ka jeedin doonaa khudbad ka turjumaysa xaaladda bini’aadannimo ee dalka ka jirta ee ka dhalatay abaaraha ba’an ee dalka ku dhuftay.

Ka qeyb galka Ra’iisul Wasaaraha ee Shirka Geneve ee arrimaha abaaraha, xilli ay gebogebo mareyso howsha doorashada ee uu hormuudka u yahay,  ayaa muujinaya sida ay uga go’an tahay in indhaha Beesha Caalamka lagu soo jeediyo xaaladda abaareed ee dalka ka taagan si loogu gurmado shacabka Soomaaliyeed ee tabaaleysan.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post