1257 Views

Maxkamada Sare ee Ciidamada oo xukun ku riday Askar dil geysatay

Maxkamada Sare ee Ciidamada oo xukun ku riday Askar dil geysatay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL August 19, 2019 —Maxkamadda Sare ee Ciidanka Qalabka Sida Qeybta 60-aad ayaa Maanta markale waxaa ay xukun dil toogasho ah ku riday laba askari oo ka tirsanaa Ciidamada Koonfur Galbeed,kuwaas oo dilal geystay.

 

Yaasiin Maxamed Aadan oo ka tirsanaa Boliiska Konfur galbeed oo racfaan ka qaatay xukun Maxkamadda darajada 1aad horay ugu riday ayay maxkamada sare dil ku xukuntay saaka Magaaladda Baydhabo.

 

Yaasiin waxaa loo haystaa inuu dil bareera u gaystay marxuum lagu Magacaabi jiray Aadan Isaaq Ibraahim.

 

Sidoo kale Maxkamadda Sare ee Cidiamada ayaa xukun dil ah ku riday racfaanle Xuseen Maxamed Cabdinuur oo ka tirsanaa Daraawiishta Koonfur Galbeed oo isagana loo haysto dilka Maxamed Guuloow Aadan oo ahaa sarkaal ka tirsanaa Ciidanka Boliiska.

 

Shalay ayay aheyd markii Maxkamadda Sare ee Ciidanka Qalabka Sida Qeybta 60-aad ay xukun dil toogasho ah ku riday saddex Askari oo ka kala tirsanaa Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Koonfur Galbeed,kuwaas oo horay dilal u geystay.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment