8256 Views

Waamo State oo nagu soo Korodhay: Hala Gardaadsho

Waamo State oo nagu soo Korodhay: Hala Gardaadsho
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 31 January, 2016: Waxaa Magalada Muqdisho looga dhawaaqay Maamul Cusub oo loogu magacdaray Waamo State lana sheegay inuu ka shaqayn doono qaar kamid ah deegaannada gobolada Jubbooyinka ee maamulka Jubbaland. Maamulkaan ee lagu gardaadshay magaalada Muqdisho, ayaa la sheegay in Madaxweyne kumeel gaar ah looga dhigaya Axmed Sheekh Aadan Dheere, waxaana munaasabaddii lagu soobandhigayey ka qaybgalay qaar kamid ah waxgaradka iyo siyaasiyiinta deegaamada Jubbooyinka. Axmed Sheekh Aadan Dheere, Madaxweynaha maamulkaasi oo lahadlay warbaahinta ayaa sheegay inuu si caddaalad ah ugu adeegi doono shacabka kunool deegannada Waamo oo uu sheegay inaysan helin xuquuqdii ay lahaayeen, wuxuuna Midowga Africa, IGAD iyo dowladda Sooomaaliya intaba ka codsaday in ay la shaqeeyaan una hagar baxaan oo an la garab ciilin.

Daawo Madaxweynaha Waamo State

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment