984 Views

Duqa Muqdisho oo u digay ganacsatada Wadooyinka ku dhex ganacsada

Duqa Muqdisho oo u digay ganacsatada Wadooyinka ku dhex ganacsada
____________________________________________________________________________

Muqdisho|| QOL| October 09, 2021==Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Maanta Xariga  ka jaray Wado laami ah oo isku xirta isgooska Baar Ubax iyo Warshada Taraqa iyo sigaarka.

Wadadaan oo muhiim u ahayd isku socodka gadiidka iyo dadweynaha dhismaha wadadaan waxaa iska kaashada Maamulka Gobolka Banaadir iyo shacabka Reer Howlwadaag dhismaheeda.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa ugu baaqay shacabka kunool degmada Howlwadaag in ay ilaalsaddaan Wadadaan dayactirteeda iyo sidoo kale ilaalinta nadaafadeeda.

Waxaa maamulka degmada ku amray in maamulka aysan aqbali doonin wadada dhexdeeda lagu ganacsato ka dibna wadada ay noqoto mid xiranta.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in wadada Cirtookte si deg deg ah loo baneeyo oo aan mar dambe lagu arki doonin Miis dhex yaalla dadka halkaasi ku sugana ay tilaabo ka qaadi doonaan haddii aysan wadada baneyn.

Waxaa uu ka dalbaday dhalinyarada ku shaqeysta miisaska ganacsiga in ay ilaaliyaan nadaafadda Wadada oo aysan ku dhex ganacsan.

Xafiiska Wararka|Qaranimo Onlin| Muqdisho

____________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post