528 Views

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali guudlaawe oo Kulan la qaatay Fahad yaasiin

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali guudlaawe oo Kulan la qaatay Fahad yaasiin
____________________________________________________________________________

Axad: February 20, 2022

 Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa xalay Madaxtooyada Magaalada Beledweyne waxaa uu kula Lataliyaha Amniga Madaxweyne Farmaajo Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo ah Musharax Xilibaan Golaha Shacabka.

Kulankan ayaan faahfaahin laga bixin waxyaabihii loogaga hadlay hase yeeshee waxa uu noqday kulankii ugu horeeyey oo uu Fahad Yaasiin sawir la galo mid ka mid ah madaxda dowlad goboleedyada dalka.

shantii sano ee la soo dhaafay. Waxaa kulankan goobjoog ka ahaa Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Yuusuf Axmed Hagar.

Fahad Yaasiin ayaa lagu wadaa in saaka uu kursiga Golaha Shacabka ee Hop#86 uu ka soo qaato magaalada Beledweyne xilli guddiga doorashooyinka heer federal ay hore u hakiyeen kursigan. Guddiga doorashooyinka Heer federal ayaa markale ku celiyay xalay in guddiga uu weli ku dhegen yahay in uu kursigaasi yahay mid aan doorashadiisa hadda la qaban karin.

Fahad Yaasiin ayaa lagu wadaa in haddii uu kursigan uu soo qaato uu u sii dhawaanayo inuu isu sharaxo guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka iyadoo dhawaan guddoomiye ku xigeenkii baarlamaanka Cabdiweli Muudeey laga horistaagay inuu u tartamo kursiga uu ku fadhiyay afartii sano ee la soo dhaafay.

Guddiga doorashooyinka Heer federal ayaa markale ku celiyay xalay in guddiga uu weli ku dhegen yahay in uu kursigaasi yahay mid aan doorashadiisa hadda la qaban karin.

Fahad Yaasiin ayaa lagu wadaa in haddii uu kursigan uu soo qaato uu u sii dhawaanayo inuu isu sharaxo guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka iyadoo dhawaan guddoomiye ku xigeenkii baarlamaanka Cabdiweli Muudeey laga horistaagay inuu u tartamo kursiga uu ku fadhiyay afartii sano ee la soo dhaafay.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post