324 Views

Dowladda Ukraine oo walwal ka qabta natiijada doorashada xiliga dhexe ee Mareykanka

Dowladda Ukraine oo walwal ka qabta natiijada doorashada xiliga dhexe ee Mareykanka
____________________________________________________________________________

Talaado: NOVEMBER 8, 2022

Dowladda Ukraine, ayaa dusha kala socota doorashada Mareykanka, iyadoo codbixiyayaashu ay haatan codkooda ka dhiibanayaan xarumaha codbixinta ee Maraykanka, sida uu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan golaha faaqidista fikradaha ee Atlantic Council, oo fadhigeedu yahay magaalada Washington DC.

Waxa jira “madax badan oo ku kala sugan daafaha adduunka, oo ka wal wal qaba natiijooyinka doorashada, iyadoo dareenkooddu uu aad u kacsan yahay,” Ben Juda ayaa u sheegay sidaasi BBC-da.

Mid kamid ah hoggaamiyeyaashaasi, ayaa noqon doona Madaxweynaha dalka Ukraine, Volodymyr Zelensky, ee maamulka Kyiv, ayuu yiri.

Tani ayaa loo sababaynayaa inuu jiro dareen tilmaamaya, in Congress-ka uu luminayo taageerada uu u hayo dowlada Ukraine.

“Labada dhinac ee garabyada midig iyo bidixda, ee kala aaminsan afkaaraha iska soo horjeeda, ayaa waxaa jira su’aalo la iska weydiinayo: ‘Goorma ayay tani dhammaanaysaa?’, ‘Immisa lacag ah ayaan ku bixinaynaa halkaas, oo ah Ukraine?’

Oo waxaa jiri doona dareen ka imanaya maamulka Kyiv, kaasoo ku wajahan Congress-ka, haddii ay aqlabiyaddiisa la wareegaan xisbiga Jamhuuriga.

Haddii ay taasi dhacdo, ayaa waxaa laga yaabaa taageeradii loo fidinayey dowladda Ukraine iney ka baxdo meesha, oo la hor joogsado dhaqaalaha uu Aqalka Cad ku bixiyo dagaalka ka socda dalka Ukraine.

Waxa uu intaa ku daray sargaalka in dowladaha Bariga Dhexe qaarkood, ay ku farxi doonaan hoggaamiyeyaashoodaa, sida ra’iisal wasaaraha dowladda Israel ee haatan, Benjamin Netanyahu, iyo dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Mohammed bin Salman, haddii ay xisbiga Jamhuurigu kusoo baxaan kaalinta koowaad ee Congress-ka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post