639 Views

Ra’iisul Wasaare Rooble oo kulan la yeeshay Odayaasha dhaqanka iyo qeybaha Bulshada Degmada Caabudwaaq

Ra’iisul Wasaare Rooble oo kulan la yeeshay Odayaasha dhaqanka iyo qeybaha Bulshada Degmada Caabudwaaq
____________________________________________________________________________

Caabudwaaq | QOL | 17, Diseembar, 2020 – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan kula yeeshay guriga dhaqanka degmada Caabudwaaq Ugaas Maxamed Ugaas Axmed Ugaas Faarax, Odayaasha dhaqanka iyo qeybaha bulshada oo uu kala hadlay nabadaynta,dib-u-heshiisiinta, kalsooni-dhisidda iyo gaarsiinta adeegyada dowladda ee deegaanka.

Eng. Rooble ayaa ugu baaqay guurtiga deegaanka in ay dardargeliyaan kaalinta ay ku leeyihiin nabadeynta iyo dib u heshiisiinta, si xal maangal ah loogu helo dhacdooyinkii dhowaan ka dhacay deegaanka.

Odayaasha dhaqanka ayaa warbixin ka siiyey Ra’iisul Wasaaraha dadaalladooda ku addan nabadeynta iyo isku soo dhaweynta bulshooyinka Galmudug, waxayna soo bandhigeen baahiyaha adeegyada dowladeed ee deegaanla ka jira.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ay asaas u yihiin arrimaha dib u heshiisiinta, kaalin muhiim ahna ay ka soo qaateen samatabixinta dalka, balse haatan looga fadhiyo xoojinta dadaallaadaas iyo sidii ay u horseedi lahaayeen xaqiijinta bulsho mideysan oo u jiheysan dhanka horumarka iyo wax wada qabsiga.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay maadaama ay Galmudug ka hartay deegaannada kale ay sameynayaan mashruuc uu ugu magac daray ka dabageyn, si horumar wax ku ool ah deegaannadan looga sameeyo.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post