309 Views

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo sheegay in “faragelin weyn oo dhanka dibadda ah” lagu hayo wadahadalka sii socda ee u dhaxeeya dowladda iyo maamulka Tigray

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo  sheegay in “faragelin weyn oo dhanka dibadda ah” lagu hayo wadahadalka sii socda ee u dhaxeeya dowladda iyo maamulka Tigray
____________________________________________________________________________

Talaado: : NOVEMBER 1, 2022

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in “faragelin weyn oo dhanka dibadda ah” lagu hayo wadahadalka sii socda ee u dhaxeeya dowladda iyo maamulka Tigray balse uu weli rajo ka qabo in heshiis nabadeed la gaaro.

Isagoo la hadlayay Telefishinka Caalamiga ah ee Shiinaha (CGTN), Mr Abiy ayaa sheegay in reer Itoobiya ay xalin karaan arrimahooda inkastoo cadaadis caalami ah lagu saarayo xabbad-joojin. “Dabcan, haddii ay jiraan faragelin badan oo bidix iyo midig ah, aad ayay u adag tahay,” ayuu yiri Abiy.

“Waa inay fahmaan inaan arrimaheena anaga xallin karno.” Waxa uu sidoo kale xaqiijiyay qabsashada ay ciidamada federaalku qabsadeen magaalooyinka Shire, Axum iyo Adwa .

“Waxaan isku dayeynaa inaan ku qancino TPLF inay ixtiraamto sharciga dalka, inay ixtiraamto dastuurka iyo inay u dhaqanto sidii hal maamul oo ka tirsan dalka Itoobiya,” ayuu yiri.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post