873 Views

Koofur galbeed oo shaacisay jadwalka doorashada lix kursi.

Koofur galbeed oo shaacisay jadwalka doorashada lix kursi.
____________________________________________________________________________


Sabti: March 5, 2022

Guddiga Maamulka doorashooyinka Koofur galbeed ayaa maanta shaaciyay jadwalka doorashada kuraas lix ah oo ay shalay ku dhawaaqeen.

Guddiga qoraal ay soo saareen ayey ku sheegeen in ay shaacinayaan jawalka doorashada 6 kursi kuwaa oo ay soo saareen 4 bishii march 2022 kuwaas oo ay deegaan doorashadoodu tahay Baydhabo.

Kuraasta lixda ah ayaa kala ah tirsigoodu HOP#261, HOP#167, HOP#168, HOP#099, HOP#077 iyo HOP#186.

Sidoo kale Guddiga ayaa shaaciyay xiliha ay qabanayaan doorashada kuraastaan lixda ah waxeyna doorashadooda dhici doontaa 9/03/2022.

Hadii ay Guddiga ay qabtaan doorashada kuraastaan, waxaa Koofur galbeed u harsan kaliya doorashada 9 kursi oo ka tirsan Golaha Shacabka, wuxuuna noqonayaa Maamulkii ugu horreeyay ee soo gaba gabeeya doorashada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11-aad.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post