669 Views

Rabshadaha ka jira Haiti oo kordhayo iyo shacab galay saldhig Boolis

Rabshadaha ka jira Haiti oo  kordhayo iyo shacab galay saldhig Boolis
____________________________________________________________________________

.

June 8 2021

Waxaa cirka isku sii shareeray rabshadaha ka jira dalka Haiti, xili khalalaasaha ka jira dalkaaasi uu aad u sii kordhayo.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in koox careysan ay gudaha u galeen saldhigyada booliska caasimada, si ay halkaasi uga qaataan qoryaha fudud.


Kooxdaasi ayaa waxaa la sheegay inay dileen seddex ka mid ah askarta booliska, iyagoo la wareegay ilaa 6 saldhig, waxaana ay gubeen mid kamid ah askartii booliska ay toogteen.

Warar qaar ayaa sheegaya in kooxdaasi ay toogteen askari diiday inuu hubka dhigo.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post