843 Views

Axmed Madoobe” Wixii ka dambeeyay Shirkii Dhuusamareeb isjiid jiid ayaa bilaawday”

Axmed Madoobe” Wixii ka dambeeyay Shirkii Dhuusamareeb isjiid jiid ayaa bilaawday”
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  September 06 2020—Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed islaam oo khudbad ka jeediyay kulan uu la yeeshay guddiga joogtada ee Golaha Aqalka sare ayaa waxaa uu ka hadlay, xaalada siyaasadeed ee dalka , sida doorashooyinka, khilaafka kala dhaxeeya dowladda iyo Arrimaha Gobolka Gedo.

Aaxmed Madoobe ayaa isaga oo ka hadlay Arrimaha khilaafka waxaa uu sheegay in looga baahan yahay Dowladda inay sharciga ilaaliso waxa uu siinaayo ay qaadato waxa iyaga siinayaana ay siiso, sidoo kalena u sheegay in aysan jirin siyaasad ay isugu imaanayeen dowladda iyo dowlad gobaleedyada si talada dalka wax layska waydiiyo.

Waxaa uu soo hadal qaaday Axmed Madoobe Shirkii Madaxweyne farmaajo iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada, Koonfur Galbeed, galmudug & Hir-Shabeelle ay ku yeesheen Dhusamareeb,waxaana uu sheegay in shirkaasi la soo xiray markii la ogaaday in  isaga iyo Madaxweynaha Puntland ay tagayaan.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in wixii shirkii dhuusa mareeb ka dambeeyay ay bilaabatay isjiid jiid iyo kala qub qubnaan oo ay mas’uuliyadeeda leeyihiin Xildhibaannada Golaaha Shacabka.,isla markaana ay sababtay wada-shqeyn la’aanta labada Gole ee Baarlamaanka.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa Madaxweyne farmaajo waxaa uu ugu baaqay in uu simo labada Aqal ee baarlamaanka uuna yimaado Aqalka sare.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  ______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post