1086 Views

Rooble oo taageero ka helay beelaha Banaadiriga

Rooble oo taageero ka helay beelaha Banaadiriga
____________________________________________________________________________

Sabti January 29, 2022

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa galabta kulan ku saabsan ‘hufnaanta doorashada kuraasta Banaadiriga’ la yeeshay odayaasha dhaqanka iyo guddiga doorashada beelaha Banaadiriga.

Kulanka oo goobjoog ay ka ahaayeen guddiyada doorashada heer federaal ee (FEIT) iyo xallinta khilaafaadka ayaa Ra’iisul Wasaaruhu waxuu ku soo bandhigay sida ay uga go’an-tahay xaqiijinta hufnaanta doorashooyinka.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka dhageystay odeyaasha dhaqanka ee uu la kulmay taladooda iyo aragtidooda ku aaddan hufnaanta doorashada iyo xaqiijinta qoondada haweenka ee Golaha Shacabka.

“Waxaa idiin xil saarayaa xubno ka kala socda guddoonka guddiga doorashada federaalka iyo xafiiskeyga oo aan doorashada faro geli karin, aniguna waan la soca doonaa howshooda, yaan la deg degin waqti fiican ayaan qaada doonaa, warbixinta awood qeybsiga kuraastiina markii la ii soo dhameystiro ayaa qaadan doonaa go’aanka ugu haboon, Allaa igu og cid gooni ah ma wato,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sharaxaad dheer ka bixiyey hanaanka loo mari doono awood qeybsiga shanta kursi ee beelaha Banaadiriga, isagoo balan qaaday in aysan jiri doonin cid laga hor istaagi doono tartanka doorashada.

Dhankooda, odeyaasha dhaqanka ayaa uga mahadceliyey Ra’iisul Wasaaraha sida uu u tixgeliyey talooyinkooda, iyaga oo adkeeyey muhiimadda ay leedahay qabsoomidda doorasho xasilloon oo ka tarjumeysa hannaanka hab-qeybsi ay heshiis ku yihiin.

By Zahra Axmed Gacal 

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post