819 Views

Roobabkii ka da’ay Duleedka Muqdisho oo mar kale Gaystay arin laga Naxo

Roobabkii ka da’ay Duleedka Muqdisho oo mar kale Gaystay arin laga Naxo
____________________________________________________________________________

.

May 9, 2021

Wararka ka imaanaya Duleedka Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Qoys danyar ah oo ku noolaa kaam barakac oo kuyaala Jaamacada Shabelle ee duleedka magaalada Muqdisho xalay waxaa kusoo dumay darbi adag oo ay uga ganbanayeen biyaha roobka .

Inta la xaqiijiyay darbigan soo dumay waxaa ku dhintay hooyo iyo shan caruur ah ay dhashay iyo cunug yar oo kale, waxaana dhacdadan si weyn uga argagaxay dadkii kunoolaa goobta mashaqadaasi ka dhacday.

Darbigan soo dumay ayaa la sheegay in saameyn ku yeeshay roobka xalay ka da’ay magaalada Muqdisho, waxaana qoyskan mashaqadu ka dhacday doonayeen in biyaha roobka ka galaan darbiga kusoo dumay .

Sidoo kale daraad ayay ahayd markii Mashaqo Nuucaan oo kale ah ay ka dhacday Magaalada Muqdisho gaar ahaan xaafada  Buulo Xuubeey  oo ay ku dhinteen ilaa 9 caruur ah.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post