390 Views

Dad shacab ah oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday Qarax ka dhacay G/Baay

Dad shacab ah oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday Qarax ka dhacay G/Baay
____________________________________________________________________________

Axad:  10 Sebtembar 2022

Ugu yaraan saddex ruux ayaa ku geeriyooday, halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen ka dib qarax ka dhacay degmada Bardaale ee Gobolka Baay.

Goobjoogeyaal ayaa sheegay in qaraxa oo ahaa nuuca miinada dhulka la geliyo uu haleelay Mooto Bajaaj ay saarnaayeen dad shacab ah, deegaanka Ceeldheere ee hoostaga degmada Bardaale.

Ilaa laba ruux oo ku dhaawacmay qaraxa ayaa la geeyay Isbitaal ku yaalla Magaalada Bardaale, halkaasi oo xaaladooda caafimaad lagu dabiibayo.

Ciidanka Ammaanka ee Dowladda iyo kuwa Koofur Galbeed ayaa gaaray halka uu qaraxa ka dhacay, kuwaasi oo baaritaanno kooban halkaasi ka sameeyay.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post