1362 Views

Farxaan qaroole oo ka badbaaday qarax miino oo lala eegtay kolonyo uu la socday.

Farxaan qaroole oo ka badbaaday qarax miino oo lala eegtay kolonyo uu la socday.
____________________________________________________________________________

Talaado: May 10, 2022

Faah-faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxayo Qarax lala eegtay fiidkii hore ee xalay Kolonyo gelbineysay Taliyaha Ciidamada boliska Gobolka banaadir farxaan qaroole.

Sarkaal ka tirsan Ciidamada Dowladda oo la hadlay Warbaahinta ayaa xaqiijiyay in uu ka badbaaday qarax miino oo la dhigay hareeraha wadada xiriirisa Muqdisho iyo Ceelasha Biyaha, taliyaha Booliska Gobolka Banaadir Farxaan Qarole, xili isaga iyo ciidamo la socday ay kusoo jeedeen Muqdisho.

Qasaaraha ka dhashay qaraxa miino ee lala eegtay taliyaha Booliska Gobolka Banaadir Farxaan Qarole ayaa gaarsiisan Dhaawaca labo Askari oo kamid ah ilaaladiisa iyo burburka gaari nuuca aan xabadku karin.

Taliyaha Ciidamada boliska Gobolka banaadir ayaa Ceelasha Biyaha u aaday sida uu KNN u xaqiijiyay Sargaal ka tirsan Ciidamada Dowladda, kiis la xiriira Askar la dilay,

Sanadkii hore ayaa sidaan oo kale gaari qarax ismiidaamin ah waxa lagula eegtay taliye farxaan qaroole agagaarka isgoyska Banaadir balse waa uu ka bad baaday

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post