954 Views

C/raxmaan C/shakuur “Farmaajo xalay fursad uu shacabka Soomaaliyeed ku macsalaameeyo ayaa dhaaftay.

C/raxmaan C/shakuur “Farmaajo xalay fursad uu shacabka Soomaaliyeed ku macsalaameeyo ayaa dhaaftay.
____________________________________________________________________________

 April 28-2021

Siyaasiga C/raxmaan c/shakuur ayaa ka hadlay qudbadii xalay uu saq dhexe jeediyay Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday farmaajo, waxa uuna ku sheegay mid macno daro ah.

Qoraalka uu so dhigay bartiisaa  Facebook

Farmaajo xalay fursad uu shacabka Soomaaliyeed ku macsalaameeyo ayaa dhaaftay. Hadalkiisu micno yari, aflagaaddo iyo ixtiraam la’aan ayuu isugu jiray. Waa nin shirqool horleh la soo maleegaya Mursal iyo 54-tii xildhibaan ee muddo kordhinta xaaraanta ah kala shaqeysay.

Waa kala goyskii isaga iyo Mursal ay Kheyre ku shirqooleen. Xilliga iyo xaalkuba waa kala beddelan yahay, laakiin waallida kalitalisnimo ee Farmaajo mid dhaqanta maaha.

 Waxaan uga digaynaa 54ta xildhibaan ee Sabtiga la balamiyey in aysan fidno kale ka sii shaqaynin. Rooble waa in uu tillaabada la hormaraa oo uu hoggaanka qaataa, casuumadda shirka fidiyaa, oo uu saamileyda ballaariyaa, ciidanka kala qaybsanna isku soo celiyaa, amniga dalka iyo doorashooyinka la wareegaa, dawlad Goboleedyada garabka ku qabtaa, taageerada beesha caalamka kasbadaa. Go’aan sax oo aan xilligiisa laga daahin ayaa laga rabaa.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post