2064 Views

Saraakiil iyo Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya oo loo xiray Musuq Maasuq

Saraakiil iyo Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya oo loo xiray Musuq Maasuq
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | August 25, 2018 –  Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Waaxda dambi-baarista ayaa Maanta waxa ay shaaciyeen in Saraakiil iyo ciidamo ka tirsan booliska Soomaaliyeed ay u xiran yihiin musuq maasuq ay ku kaceen.

Saraakiil iyo Ciidamo gaaraya 28 xubnood oo ka tirsan Ciidanka Booliska ayaa u xiran eeda ah Musuq,sida uu sheegay taliye ku xigeenka Hay’adda Dambi Baarista ee CID-da Bishaar Abshir Geedi.

Waxa uu sheegay in weli uu socdo ololaha looga hortagayo falalka la xiriira musuq maasuqa,isla markaana 28 isugu jira Saraakiil iyo ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliyeed ay ku jiraan Xabsiga dhexe baaritaana uu ku socdo.

Dhinaca kale taliye ku xigeenka Hay’adda Dambi Baarista ee CID-da Bishaar Abshir Geedi ayaa ugu digay Shacabka Soomaaliyeed in sraakiisha iyo Ciiadmada inay u horseedaan qaadashada laaluushka,laakin loo baahan yahay in ciidamadu ay dadka Shacabka ah ugu Shaqeeyaan si bilaash ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa maalmahaan waxa ay waday qorsho looga hortagayo musuq maasuq ay sameeyeen madaxda dowladda,waxaana haatan xiran,saraakiil iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Hay’adaha kale ee Dowladda.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment