1266 Views

Baarlamaanka Puntland oo doortay Gudoomiye KMG ah

Baarlamaanka Puntland oo doortay Gudoomiye KMG ah
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |  January 1, 2019 Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Puntland ee maanta lagu dhaariyay Magaalada Garowe ee Caasimadda Puntland ayaa doortay Gudoomiye ku meelgaarka ah si uu si waddo howlaha Baarlamaanka.

Waxaa guddoomiyaha kumeelgaarka ah ee Golaha Wakiilada Puntland loo doortay Xildhibaan Xuseen Xaaji Yaasiin oo noqday qofka ugu da’da weyn, wuxuuna xilkan sii haynayaa inta laga soo dooranayo gudoomiyaha rasmiga ah ee Golaha.

Saddexda Bishaan ayaa lagu waddaa in magaalada Garowe ay ka dhacdo doorashadda Gudoomiyaha baarlamaanka maamulka Puntland.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment