873 Views

Madaxweynaha Jubbaland oo baaq u diray Beesha Caalamka

Madaxweynaha Jubbaland oo baaq u diray Beesha Caalamka
____________________________________________________________________________

Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam oo khudbad ka jeediyay gaba gabada shirka madasha wadatashiga qaran ayaa rajo Wanaagsan ka muujiyay in ay dalka ka dhacdo doorasho loo dhan yahay isla markana dhamaan dhinacyadu ay ka wada shaqeeyaan.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay ahmiyada ay leedahay in la fahmo marxaladahii kala duwanaa ee dalkeenu uu soo maray iyo halka aan maanta joogno taas oo tilmaam u ah rajada mustaqbalka dalkeena.

Waxaa Madaxweynahu uu uga mahad celiyay Ra”iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka ah dadaalka uu ku bixiyay sidii loo dajin lahaa xaalada dalka isagoo amaanay dulqaadka iyo dal jacaylka ay muujiyeen dadka ku nool Caasimada maalmahii adkaa ee lasoo maray, waxaa uu Madaxweynahu intaas ku daray in lagu kala aragti duwanaan karo Siyaasada balse hay’adaha amaanka iyo ciidamada looga baahan yahay taxadar dheeraad ah.

Waxaa kale oo Madaxweynahu uu ugu baaqay beesha Caalamka inay gacan ka haystaan sidii wakhtiga ugu dhow loogu qaban lahaa doorashada isla markana tageeradoodu ay lagama maarmaan tahay si looga dhabeeyo himilooyinka shacabka Soomaaliyeed ee mustaqbalka taas oo go’aamo iyo wadiiqooyin loo marayo la isku raacay intii uu socday shirka madasha wadatashiga qaran.

Ugu danbayn waxaa Madaxweynahu uu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay door muuqda ka qaatan howlaha socda isla markana ay ka shaqeeyaan sidii doorashadu ay ugu dhici lahayd wakhtiga ugu haboon si dalka looga saaro xaalada adag ee uu ku jiro.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post