2262 Views

Ganacsatada Qaadka Ka soo Gata Gobolka Miruu ee Muqdisho Keena Oo shaqo joojin Sameeyay

Ganacsatada Qaadka Ka soo Gata Gobolka Miruu ee Muqdisho Keena Oo shaqo joojin Sameeyay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 17 January, 2018 –Ganacsatada Kenyaanka iyo Somalida ee Beeraha Gobolka Miruu Qaadka ka soo iibsan jiray ayaa ku dhaqaaqay shaqo joojin kaddib markii qiimaha qaadka la keeno Muqdisho uu sare u kacay.

Ganacsatada ayaa kulan ay ku yeesheen Xaafadda Islii ee Nairobi ku yeeshay waxaa ay ku sheegeen in Qaadkii Gobolka Miruu ay ka iibsan jireen uu sare u kacay islamarkaana qiimaha ay ka siiyaan beeraleyda aysan kaga heleyn Magaalada Muqdisho sidaas darteedna ay joojiyeen soo iibinta qaadkaas.

100kg  ee Qaadka ah ayaa hadda Gobolka Miruu ka maraya 160,000 oo shilinka Kenya ah iyada oo mar kaliya ay ku korodhay lacag ka badan 20,000 oo Shilka Kenya ah,taas oo sababtay in Ganacsatada ay walaac ka muujiyaan.

Qaadka Kenya ee Gobollada kale ee Soomaaliya la geeyo ayaa sidiisii u socda iyada oo aysan qiimahiisu waxba iska beddelin halka Qaadka Muqdisho la keeno Beerahana qaali ka noqday Muqdishana aan looga heleyn qiimaha beeraleyda laga soo siiyo.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment