1455 Views

20 qof oo rayid ah oo ku dhimatay dagaal ka dhacay gobolka Canfarta ee dalka Itoobiya

20 qof oo rayid ah oo ku dhimatay  dagaal ka dhacay  gobolka Canfarta ee dalka Itoobiya
____________________________________________________________________________

Jimco: july 23 2021

Ugu yaraan 20 qof oo rayid ah ayaa la dilay tobanaan kun oo kalena waa lagu barakiciyay sababo la xiriira dagaallo u dhexeeya mucaaradka iyo xooggaga dowladda taabacsan ee ka socda gobolka Canfarta ee Itoobiya, oo deris la ah gobolka Tigray ee waqooyi-bari Itoobiya.

Dagaalka ka socda gobolka Tigray ayaa ku sii fidaya gobolka Cafarta, dagaal kaas oo dhaliyey in kumanaan qof ay dhintaan sideed bilood gudahood isla markaana sababay in boqolaal kun ay ku barakacaan sida Qaramada Midoobay ay sheegtay.

Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, oo ku guuleystey Abaalmarinta Nobel Peace Prize ee sanadka 2019-kii, ayaa ciidamo u direy Tigray bishii Nofeembar ee la soo dhaafey si ay meesha uga saaraan ururka TPLF oo ahaa xisbiga gobolkaas ka taliya.

Tallaabadan ayaa la sheegay in ay jawaab u ahayd weerar ciidamada dowladda lagu soo qaaday oo ay amarkiisa lahayd TPLF.

Xukuumadda Addis Ababa ayaa abaabulaysaa xoogag ka kala socda gobollo kala duwan si ay u taageeraan ciidankeeda oo ay uga hortagaan waxa ay ku sheegtay daandaansiga jabhadda Tigrayga.

Dad goobjoogayaal ah ayaa BBC-da u sheegay in dad rayid ah ay ku dhaawacmeen, laakiin jabhadda difaaca Tigray (TDF) ayaa beenisay in la bartilmaameedsaday dadka rayidka ah. Afhayeenkeeda ayaa ku sheegay Twitter-ka in jabhadda “aysan dagaal kula jirin dadka Cafarta ama maleeshiyooyinka, laakiin ay la dagaalamayaan hoggaamiyeyaasha Itoobiya”.

Ciidanka Itoobiya waxay sheegeen in ay “burburiyeen” xoogaggii TDF ee soo weeraray deegaankaas.

Suuragal ma ahan in si madax banaan loo xaqiijiyo macluumaadkan, marka la eego isgaarsiinta oo go’an iyo mad madowga warbaahinta ee ku saabsan waxa ka socda Tigray tan iyo markii uu qarxay dagaalku bishii November ee la soo dhaafay.

Gargaarka bani’aadannimo

Toban gaari oo ay laheyd hay’adda cunnada aduunka oo sida gargaar ayaa Axaddii lagu weeraray meel qiyaastii 100 kiiloomitir u jirta Semera, caasimadda Cafarta, taas oo keentay in hay’adda Qaramada Midoobay ay hakiso kolonyadeeda wadadaas maraysay, sida ay sheegtay AFP.

Dhaqdhaqaaqayaasha gobolka ayaa halkaa ka soo sheegaya baahi daran oo loo qabo gargaar bini’aadanimo oo deg deg ah, ayadoo beeraleyda iyo dadka kaleba lagu khasbay inay qaxaan iyadoo ay sii kordhayaan dagaalladu.

Gobolka Cafarta waxa uu ka mid yahay sagaalka dowlad-goboleed ee Itoobiya, caasimaddiisuna waa Semera. 95% dadka gobolkaas dega ayaa Muslimiin ah, tirada guudna waa ilaa 1.5 milyan oo qof, sida lagu sheegay tirakoob la sameeyay 2005.

Kolonyada gargaarka sida ayaa doonaya in ay gaaraan boqolaal kun oo qof oo khatar ugu jira inay macaluul ugu dhintaan gobolka Tigray.

Qaramada Midoobay ayaa walaac ka muujisay cunno la’aanta ka jirta Tigray tan iyo markii uu qarxay dagaalka, waxayna sheegtay in in ka badan shan milyan oo qof ay si deg deg ah ugu baahan yihiin cunno iyo gargaar, qiyaastii 350 kun oo qof ayaa qarka u saaran macaluul, taas oo ay dawladda Itoobiya beenisay.

Waxaa xusid mudan in Tigray ay soo martay macaluul intii u dhaxeysay 1983 iyo 1985, oo ay ku dhinteen in ka badan hal milyan oo qof gudahana ay ku barakaceen in ka badan laba milyan oo kale.

Dagaalka ayaa bilowday bishii November ee 2020, kaas oo u dhexeeyey ciidamada dowladda iyo jabhadda TDF, ka dib weerar ay jabhaddaasi ku qaadday saldhig ay la haayeen ciidamada Itoobiya.

Bishii Juun, dowladdu waxay ku dhawaaqday xabbad-joojin sideed bilood ah, balse dagaalyahannada Tigreega ayaa wacad ku maray in ay ka saari doonaan “cadawgooda” gobolka.

Colaadda ka jirta Tigray ayaa sii xoogeysaneysa waxaana jira digniinoku aaddan in dagaalku isu beddalo mid qowmiyadeed oo ballaaran oo laga yaabo inuu saameeyo qeybaha kale ee Itoobiya iyo dalalka deriska la ah sida Sudan iyo Eritrea.

Offrice Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post